Søk
  • sarpsborgsomaliske

Kalfadhigii 2aad ee gudiyada Jaaliyadaha Sarpsborg, Fredrikstad , Moss iyo ururka dhallinyarada Hoa


Waa kulamadii caadiga ahaa ee gudiyadu isugu imaan jireen oo sida balantu ahayd marba magaalo lagu kulmo. Ajendaha kulankaan wuxuu ahaa dhameystirka sameynta dallad guud iyo magacaabista maamulka dallada. Rog rogid guud iyo falanqeyn dheer bacdigeed,waxaa lagu go’aamiyey arrimahaan hoos ku xusan :-

  1. Magaca Guud ee Dalladu waa :- Horseed Velferdsforening ( Horseed Welfare Association ).

  2. Maamulka Dalladaan waxay ka kooban yihiin xubnahaan :-

  3. Cumar Xasan Hadaafow ----- Gudoomiye.

  4. Saciid Ismaciil Kaarshe ------ Gudoomiye ku-xigeyn.

  5. Nuur Khadar Cabdicaziz ---- Xisaabiye.

  6. Xayaat Shuriye ------ Xoghayn.

  7. Xasan Camelati Cabdi …… Qaybta Mediaha.

  8. Ubax Cali Faqey ……. Qaybta Hidaha iyo Dhaqanka.

  9. Iftin Maxamed ……. Qaybta Hidaha iyo Dhaqanka.

  10. Gudigaan cusub wuxuu howsha la kaashan doonaa Gudiyada Jaaliyadaha uu ka aasaasmay ee sida Maamulka Jaaliyada Sarpsborg, Maamulka Jaaliyada Fredrikstad, Maamulka Jaaliyada Moss iyo Maamulka Ururka Dhallinyarada Hoayo wixii wada shaqeyn dheeraad ah.

  11. Waxaa la tebay oo wax la iska weydiiyey kaalintii ururka dhallinyarada Hoayo.

  12. Waxaa mar la xusay in saacadaha balamada ee kulamadaan laga dhigo 17:00 ama 18:00 .

  13. Kulanka dembe :- Magaalada Moss. 23 ama 24 – 11- 2019

  14. Saacadda iyo Adreyska waxaa soo sheegi doonaa maamulka Jaaliyada Moss.

Wbt. Cabdilqadir Xirsi Xuseen.


90 visninger0 kommentarer

Siste innlegg

Se alle