Søk
  • sarpsborgsomaliske

Doorashada Golaha Deegaanka iyo tan Gobolada Norway ee 2019.


Magaalada Fredrikstad, waxaa galabta oo ay taariikhdu ahayd 20.07.2019 lagu qabtay shir ay wada yeesheen musharixiinta golaha deegaanka u sharxan sanadkaan 2019 iyo Jaaliyada Somaaliyeed ee magaalada Fredrikstad. Waxaa Shirkaan lagu qabtay Literaturhuset ee magaalada Fredrikstad.

Waxaa kulankaan warbixino iyo hadalo ka soo jeediyey xildhibaanadii hore ee golaha deegaanka oo isla sanadkaana ah musharixiin iyo musharixiin kale oo cusub. Dhamaantood waxay ka codsadeen bulshoweynta Somaalida degan magaalada Fredrikstad inay codkooda dhiibtaan oo welibana ay doortaan musharixiintooda.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay haldoorka Jalliyada Fredrikstad oo dardaaran, hambalyo iyo guubaabo u soo jeediyey musharixiinta. Shirkaan waxaa abaabulkkeeda iyo hogaaminteeda lahaa gudiga Jaaliyada ee Fredrikstad. Dhamaantood bushoweynta sida ururka haweenka, odayaasha, dhallinyarada iyo gudiga masaajidka oo isku duuban ayaa shirkaan ka wada qayb galay. Goobjooge Cabdulqadir Xirsi Xuseen.


48 visninger0 kommentarer

Siste innlegg

Se alle