- sarpsborgsomaliske
Aqoon Kororsi.

Saddex saddex kama dheregto :-
Il daymo kama dheregto.
Dhulna biyo kama dhergo.
Dhegina war kama dheregto.
Saddex saddex lama heshiiso :-
Nin qosol badan iyo nin qoosimaad badan.
Nin quud jecel iyo nin aan quudhin.
Nin qab weyn iyo nin aan u qabin.
Saddex saddex bay ka tagtaa :-
Roobku rays buu ka tagaa.
Raggu rayi buu ka tagaa.
Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa.
Saddex weligaa lama raaco :-
Rag kaa faqay.
Rafiiq nimaad tihiin oo ku qadshay.
Rag talo kaa reebay.
Saddex buu raggu is-dheer yahay :-
Garashada waxa soo socda.
Wax ka qabashada waxa jooga.
Ka samrida wax tegay.
Saddex dadkaa kugu naca :-
Xishood la’aan
Xilo la’aan
Xoolo la’aan.
Saddex tolkaabaa kugu naca :-
Hiil la’aan.
Hoo la’aan.
Hoy la’aan.
Saddex saddex baa lagu kabaa :-
Aqalka oo kaa yar Ardaa baa lagu kabaa.
Aqoontaada oo yar Aamus baa lagu kabaa.
Aduunkaaga oo yar iimaan baa lagu kabaa.
Saddex saddex baa lagu cadeeyaa :-
Hadal run baa lagu cadeeyaa.
Ilko caday baa lagu cadeeyaa.
Mindi saawin baa lagu cadeeyaa.
Saddex waa loo gudaa :-
Gabadh waa loo gudaa.
Geedi waa loo gudaa.
Ciyaar waa loo gudaa.
Saddex saddex looma tilmaamo:-
Culimo cad looma tilmaamo.
Carmal guur looma tilmaamo.
Carrab lo’aad caws looma tilmaamo.
Written by Abdulqadir Hirsi Hussein.