Søk
  • sarpsborgsomaliske

Kororso aqoontaada.


  1. Harada ugu weyn Qaarada Afrika,waxaa loo yaqaan :- (FIKTOORIYA ).

  2. Ninka dhirta wax ku daweeya, waxaa loo yaqaan oo kale :- ( GEEDA GOOYE ).

  3. Buurta Himilaayo,waxay ku taalaa :- ( Qaarada Aasiya.)

  4. Dib qalooca, waxaa kale ee loo yaqaan:- ( Harraan ).

  5. Wiilka dhasha isagoo mandheertu ku duuban tahay, waxaa loo bixiyaa magaca :- ( SHAQALLE ).

  6. Subaga ka baxa Caanaha Geela,waxaa loo yaqaan:- (BOCOR ).

  7. Sakaarada keeda yar,waxaa loo yaqaan :- ( ATOORKA ).

  8. Saxaabigii loo yaqiin Seefu Laahi,waa :- (Khaalid Binu Waliid) .

  9. Barta yare ee Cad oo Wanku madaxa ku leeyahay,waxaa loo yaqaan :- ( GABBAL ).

  10. Caruurta Rasuulkii Muxamed (NNKH), waxaa ugu weynayd :- ( Zeynabo )

skrev av: Abdulqadir Hirsi Hussein.


43 visninger0 kommentarer

Siste innlegg

Se alle