Søk
  • sarpsborgsomaliske

Xaflada xiritaanka ardayda baratay qaacidada al-nuraniyah. 15.04.2019


Taariikhda kor ku qoran, waxaa ururka sso, waalidinta iyo macaliminta soo gabagabeyeen xafladii barashada qaacidada al-nuraniyah. Jaaliyadu waxay soo diyaarisay raashinka, Waalidintu waxay soo diyaariyeen gaafada dhalinyarada, macalimintuna waxay dhalinyarada wax ka weydinayeen wixii la soo baray. Macalimintu waxay sheegeen in marka dembe lagu kala saari doono ardayda sida ay ugu kala guuleystaan lambarka 1aad, 2aad iyo 3aad. Dhallinyaradu waxay ku faraxsanaayeen inay barten wixii macalimintu bareen. Dhamaan dadkii ka soo wada qayb galay raali ayey ka ahaayeen sida xaaladu ku socotay , wayna wada qanceen.

Waa inoo tartan dembe ayaa arday kasta ku hadlayey, anaa 1aad noqon doona, Inshaa Allah.


152 visninger0 kommentarer

Siste innlegg

Se alle