Søk
  • sarpsborgsomaliske

Skole møte mellom Somaliske foreldre og skolens rektor. (Sandesundsveien skole)


Goobtani waa Sandesundsveien barneskole ee magaalada Sarpsborg, kuna yaal komunka Sarpsborg ee gobolka Øsfold. Skuulkaan waxaa wax ka barata caruur badan oo Somaaliyeed, sidaas daraadeed ayey muhiim tahay in lala yeesho xiriir.

Ururka Somaalida Sarpsborg wuxuu xiriir la sameeyey maamulka iskuulka, halkaasna waxaa ka bilowday wada shaqeynta maamulka iskuulka , waalidiinta caruurtoodu wax ka barato iskuulka iyo maamulka jaaliyada Somaalida Sarpsborg, iyaggoo wada yeeshay kulamo la isku baranayo.

Ugu dembeyntii, waxaa lagu wada balamay in la joogteeyo kulamada ilaa 2 jeer sanadkiiba. Waxaa la sameeyey guddi waalid oo la shaqeeya maamulka iskuulka iyo waalidiinta kale ee caruurtooda dhigato iskuulka. Waxaa laga wada hadlay in ardayda laga caawiyo casharada ( leksehjelpe ).

Wararka dembe ee iskuulka iyo Somaalida Sarpsborg, waa inoo mar kale.


23 visninger0 kommentarer

Siste innlegg

Se alle