Søk
  • dfa

Kulankii 10.aad ee Dalladda marakiista Somaliyeed ee Norway (2009-2019)


Kulanka Dallada Maraakista Somaaliyeed ee dalkaan Norway, waxaa la qabtaa sanadkiiba hal mar bilowga bisha Mars. Waxaana lagu qabtaa hadba magaalada loo doorto inay qabato kulanka dembe. Dalladu waxay ka kooban tahay ilaa 33 maraakis oo ku kala yaal gobolada Norge oo dhan, wayna sii bataan sanad kasta. Dalladu waxay leedahay maamul isku wada xira maraakista. Kulamada Maraakista waxaa looga hadlaa hadba ajendaha ay soo diyaariyaan maamulku iyo wixii maalintaas cusub oo lagu daro. Kulankii ugu dembeyey ee lagu qabtay magaalada Lillehammer 02.03.2019 , wuxuu ahaa sanad guuradii 10aad ee dalladaan.


23 visninger0 kommentarer

Siste innlegg

Se alle